https://www.premierbank.so/

XASAASI: Thomas Tuchel Oo Ogolaaday In Uu Tababare U Noqdo Man United Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

 

Tababaraha kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Man United hadii ay dhibaatada chelsea sii socoto muddo dheer.

Tababaraha reer Germany ayaa shaqo fiican ka qabtay chelsea isaga oo 3 koob kula guulaystay Blues tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Man United ayaa Tuchel ka dhigatay bartilmaameedkooda 1-aad ee dhinaca tababaraha kadib markii laga reebay champions League todobaadkan waxana ay doonayaan in ay si deg-deg ah u magacaabaan tababarohooda cusub.

Tababarayaasha Mauricio Pochettino & Erik ten Hag ayaa ugu cad-cadaa in ay noqdaan tababarayaasha cusub ee Man United laakiin Tuchel ayaa kaalinta 1-aad kala wareegay labada tabbabare.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Thomas Tuchel ayaa ogolaan doona in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Man United laakiin ku xidhay hal shardi oo ah in ay chelsea ku sii jirto dhibaatada haatan.

Blues ayaa ku jirta wakhti adag kadib markii la cunaqabateeyay milkiilaha kooxda taas oo keentay in ay kooxda lafteedu la kulantay xayiraado badan oo saamayn ku yeeshay kooxda.

Sidaas darteed Tuchel ayaa diyaar u ah in uu ku biiro Man United laakiin waa hadii ay chelsea ku sii jirto xaalada adag ee ay ku jirto kooxduna yeelan waydo milkiile cusub.

 

 

https://www.premierbank.so/