Arsene Wenger Oo Magacaabay Halka Xiddig Ee Liverpool Ka Caawin Kara Ku Guulaysiga 4 Koob Oo Taariikhi Ah Xilli Ciyaareedkan.
0 Comments
Tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger ayaa aaminsan in Liverpool ay ku guuleysan karto afar koob xilli ciyaareedkan isaga oo magacaabay hal xiddig oo ka caawin kara arintaas.
Reds ayaa wali u dagaalamaysa in ay ku guulaysato afar koob oo aan horay loo arag hal xilli ciyaareed gudaheed. Carabao Cup ayay haatanba ku guulaystay xilli ay wali u tartamayaan koobabka FA Cup, Premier League iyo Champions League.
Wenger ayaa ka hadlayay fursada Liverpool ee ku guuleysiga afarta koob xilli ciyaareedka waxana uu tababarihii hore ee Arsenal sheegay in uu xiddiga Luis Diaz ka caawin karo Liverpool in ay ku guulaystaan 4 koob.
โgabi ahaanba kama saari kartid meesha, wali waa suurtagal in ay Liverpool ku guulaysato 4 koobโWenger ayaa u sheegay beIN Sports.
โWaxa aan odhan karaa markii ay la soo saxiixdeen Luis Diaz, waan jecelahay isagaโ.
โWaa xiddig aad u fiican oo u dagaalamaya in uu boos ka helo kooxda waxana ay u muuqataa in uu goolal dhalin karoโayuu sii raaciyay


