Warbaahinta waaweyn ee Maraykanka oo hakisay muuqaalada wadaagga ah ee munaasabadaha Trump
Warbaahinta waaweyn ee Maraykanka sida ABC, CBS, CNN, Fox News iyo NBC ayaa hakad geliyey adeegga muuqaallada wadaagga ah ee munaasabadaha Madaxweyne Donald Trump, iyaga oo tallaabadan ku muujinaya taageerada ay u hayaan CNN, kaddib markii Aqalka Cad uu ka hor istaagay inay duubto safarka madaxweynaha ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Trump ayaa sidoo kale Aqalka Cad ka mamnuucay weriyeyaasha CNN, MS NOW iyo Politico, isaga oo ka joojiyey aqoonsiyadoodii shaqo.
Madaxweynaha ayaa tallaabada ku sababeeyey inuu ka daalay waxa uu ugu yeedhay “warar been-abuur ah”, isagoo warbaahintaas ku eedeeyey inay muddo laba sano ah si ula kac ah u baahinayeen warar taban.
Trump wuxuu sheegay in Maraykanku u baahan yahay saxaafad xor ah, balse caddaalad iyo daacadnimo ku shaqaysa.
Telefishannada ayaa ku jawaabay in maamulku aanu warbaahinta u ciqaabi karin wararka aanu jeclaysan. CNN iyo labada hay’adood ee kale ayaa sheegay inay dacwad maxkamadeed gudbinayaan.






