https://www.premierbank.so/

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Beesha Caalamka U Gudbiyay Dalabyo ku Saabsan Doorashooyinka iyo Kala-guurka Siyaasadeed

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan Puntland iyo Jubbaland, ay warqado dhowr ah u direen beesha caalamka.

Warqadaha ayaa la sheegay in loo kala diray safaarado iyo hay’ado caalami ah, oo ay ku jirto Qaramada Midoobay, iyadoo mucaaradku ku gudbinayaan walaacyadooda ku saabsan xaaladda siyaasadeed, amniga iyo khilaafka ka taagan doorashooyinka iyo dastuurka Soomaaliya.

Mucaaradku waxay dalbadeen in Soomaaliya loo sameeyo hannaan ku-meel-gaar ah oo lagu maareeyo arrimaha doorashooyinka, iyagoo ku dooday in muddo-xileedka Dowladda Federaalka uu dhammaaday, isla markaana aysan ku kalsoonayn in dowladda hadda jirta ay si madax-bannaan u maamusho hannaanka doorashada.

Dalabyadan cusub ayaa ku soo aadaya xilli khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka uu weli ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo qaabka loo maareynayo kala-guurka siyaasadeed.

Haddii codsiyada Golaha Mustaqbalka ay helaan taageero caalami ah, waxay arrinta Soomaaliya gelin kartaa marxalad cusub oo wada-hadal iyo dhex-dhexaadin ah, halka Dowladda Federaalka iyo dhinacyada kale ay weli hayaan mowqifyo kala duwan oo ku saabsan sida loo wajahayo khilaafka.