Madaxweyne Cirro oo Washington kula kulmay Jaaliyadda Somaliland, kuna baaqay midnimo iyo difaaca qaddiyadda
0 Comments
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Washington D.C. kulan kula yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee Woqooyiga Ameerika, isaga oo uga mahadnaqay kaalintooda ku aaddan dhismaha qaranka, dhaqaalaha iyo qaddiyadda aqoonsiga.
Madaxweynuhu waxa uu ka warbixiyey kulamadii diblomaasiyadeed ee uu Maraykanka ku yeeshay, kuwaas oo uu sheegay inay abuureen rajo iyo kalsooni ku aaddan xoojinta xidhiidhada, maalgashiga iyo aqoonsiga Somaliland.
Waxa uu Qurba-joogta ugu baaqay midnimo, nabadayn iyo inay ka fogaadaan khilaafaadka, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay si wadajir ah u difaacaan qaddiyadda Somaliland una matalaan dalkooda fagaarayaasha caalamka.

