https://www.premierbank.so/

Ruto oo 50% Dhimaya Qiimaha Abuurka Galleyda, Bacrimintana Hoos u Dhigaya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu taageerayo beeralayda dalka, iyadoo dowladdu ay dhimeyso qiimaha abuurka galleyda iyo bacriminta.

Ruto ayaa sheegay in laga bilaabo bisha Septembar, dowladda ay 50% ka kabayso qiimaha abuurka galleyda, taas oo beeralayda u sahlaysa inay abuurka ku helaan qiimo ka jaban kii hore.

Sidoo kale qiimaha bacriminta 50-ka kiilo ah ayaa laga dhimi doonaa 2,500 shilin Kenya ah ilaa 2,000 shilin, iyadoo qiimaha cusub la filayo inuu dhaqan galo labada toddobaad ee soo socda.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in kharashka beeraha laga yareeyo beeralayda, si ay u awoodaan inay beertaan dalag badan, gaar ahaan galleyda, isla markaana dalka loo kordhiyo wax-soo-saarka cuntada.