Qoyska Imran Khan iyo PTI oo Dowladda Pakistan ku Eedeeyey Jebinta Amarka Maxkamadda Sare
Qoyska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo xisbigiisa PTI ayaa dowladda ku eedeeyey inay ka hortimid amar ay soo saartay Maxkamadda Sare ee dalka.
Maxkamaddu waxay amartay in Khan laga soo wareejiyo xabsiga Adiala, loona geeyo cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Shifa International, si xaaladdiisa caafimaad gaar ahaan dhaawac la sheegay inuu ka qabo isha midig loo baadho.
Hase yeeshee, qoyskiisu waxay sheegeen in mas’uuliyiintu geeyeen cisbitaal dowladeed, halkaas oo muddo kooban lagu baadhay, laguna sheegay inuu caafimaad qabo, kaddibna dib loogu celiyey xabsiga.
Dowladdu waxay sheegtay in qorshaha loo beddelay sababo amni, kaddib markii taageerayaasha Khan ay isugu soo baxeen agagaarka cisbitaalka Shifa.
Xisbiga PTI ayaa sheegay inuu gudbin doono dacwad ku saabsan ku-xadgudubka amarka maxkamadda. Imran Khan wuxuu xidhnaa tan iyo bishii Agoosto 2023, isagoo ku doodaya in dacwadaha lagu hayaa yihiin kuwo siyaasadaysan eedayntaasi dowladda way beenisay.






