https://www.premierbank.so/

Netherland ayaa xukun 20 sano ah kuriday Amanuel Walid oo ah magafe udhashay dalka Eritrea

Maxkamad ku taalla Netherlands ayaa xukun 20 sano oo xabsi ah ku ridday nin u dhashay Eritrea, kadib markii lagu helay hoggaaminta shabakad tahriibin ah oo muhaajiriinta si arxan darro ah loo jirdili jiray, laguna baadi-goobi jiray qoysaskooda.

Ninka oo lagu magacaabo Amanuel Walid ayaa muhaajiriinta ku khasbi jiray safarro halis ah oo ka imanaya Eritrea, una sii maraya Libya, ilaa Yurubโ€”halkaas oo qaar badan ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka.

Maxkamadda Zwolle ayaa sheegtay in falalkan ay ahaayeen kuwo naxdin leh oo aan baniโ€™aadannimo lahayn.