Netherland ayaa xukun 20 sano ah kuriday Amanuel Walid oo ah magafe udhashay dalka Eritrea
0 Comments
Maxkamad ku taalla Netherlands ayaa xukun 20 sano oo xabsi ah ku ridday nin u dhashay Eritrea, kadib markii lagu helay hoggaaminta shabakad tahriibin ah oo muhaajiriinta si arxan darro ah loo jirdili jiray, laguna baadi-goobi jiray qoysaskooda.
Ninka oo lagu magacaabo Amanuel Walid ayaa muhaajiriinta ku khasbi jiray safarro halis ah oo ka imanaya Eritrea, una sii maraya Libya, ilaa Yurub—halkaas oo qaar badan ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka.
Maxkamadda Zwolle ayaa sheegtay in falalkan ay ahaayeen kuwo naxdin leh oo aan bani’aadannimo lahayn.

