https://www.premierbank.so/

INTERPOL oo AI u adeegsatay Raadinta 126 Qof oo Dalal Kala Duwan Lagu Baadi-goobayay

Hay’adda Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa soo bandhigtay natiijada howlgal caalami ah oo lagu baadi-goobayay dad lagu raadinayay dambiyo kala duwan, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay dalal kala duwan, iyadoo la adeegsanayo tignoolojiyadda casriga ah ee garaadka macmalka ah (AI).

Howlgalka oo loo bixiyay Shams II ayaa waxaa si wadajir ah uga qayb qaatay 11 dal, iyadoo 28 sarkaal oo ku takhasusay adeegsiga aaladaha casriga ah ay ku kulmeen magaalada Tunis ee caasimadda Tunisia.

Intii uu howlgalka socday, waxaa garaadka macmalka ah lagu falanqeeyay in ka badan 100,000 oo sawir, si loo aqoonsado dadka la raadinayo. Baaritaankaas ayaa lagu soo saaray 126 qof oo ajaanib ah oo la raadinayay, balse isku dayayay inay qariyaan ama### INTERPOL oo AI u adeegsatay Raadinta 126 Qof oo Dalal Kala Duwan Lagu Baadi-goobayay

Hay’adda Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa soo bandhigtay natiijada howlgal caalami ah oo lagu baadi-goobayay dad lagu raadinayay dambiyo kala duwan, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay dalal kala duwan, iyadoo la adeegsanayo tignoolojiyadda casriga ah ee garaadka macmalka ah (AI).

Howlgalka oo loo bixiyay Shams II ayaa waxaa si wadajir ah uga qayb qaatay 11 dal, iyadoo 28 sarkaal oo ku takhasusay adeegsiga aaladaha casriga ah ay ku kulmeen magaalada Tunis ee caasimadda Tunisia.

Intii uu howlgalka socday, waxaa garaadka macmalka ah lagu falanqeeyay in ka badan 100,000 oo sawir, si loo aqoonsado dadka la raadinayo. Baaritaankaas ayaa lagu soo saaray 126 qof oo ajaanib ah oo la raadinayay, balse isku dayayay inay qariyaan ama beddelaan aqoonsigooda.

Natiijooyinka ay AI soo saartay ayaa markii dambe si dheeraad ah loo hubiyay loona xaqiijiyay, iyadoo la adeegsanayo nidaamka INTERPOL ee Facial Recognition System, kaas oo loogu talagalay aqoonsiga wajiyada.

María Carmen Muñoz González, Agaasimaha La-dagaallanka Argagixisada ee INTERPOL, ayaa sheegtay in howlgalka Shams II uu muujiyay awoodda ka dhalan karta marka la isku daro iskaashiga hay’adaha ammaanka ee dalalka kala duwan iyo adeegsiga mas’uuliyadda leh ee tignoolojiyadda AI.

Dalalka ka qayb qaatay howlgalka ayaa kala ah Côte d’Ivoire, Ghana, Iraq, Kenya, Malaysia, Nigeria, Philippines, Qatar, Tajikistan, Tunisia iyo Uzbekistan.
beddelaan aqoonsigooda.