Madaxweyne Cirro oo Dhaariyey Xubno Ka Mid ah Golaha Wasiirrada iyo Guddida Doorashooyinka
0 Comments
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta hortiisa lagu dhaariyey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee Qaranka JSL iyo xubin ka tirsan Guddida Diwaangalinta iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka kuwaas oo uu dhawaan Madaxweynaha JSL u magacaabay Xilalka Qaranka.
Munaasibadda Dhaarta Dastuuriga ah ee Masuuliyiinta loo magacaabay Xilalka Qaranka, waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed. Sida ku cad Qodobka 129-aad ee Dastuurka JSL, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu Masuuliyiintan ku dhaariyey Madaxweynaha hortiisa.

