Hargeysa: Laba Caruur ah ayaa ku geeriyooday Dab haleelay Guri Jiingad ah oo ku yaalla Xaafadda Barakacayaasha ee Kaam Digaale oo ku taalla duleedka Koonfureed ee Degmada Maxamed Mooge.
0 Comments
Arrinta murugada leh ayaa ahayd in Caruurtan guriga dusha lagaga xidhay isla markaana uu dabku haleelay iyaga oo aanay cidi la joogin.
Caruurtan oo Da’doodu kala ahayd 2 Sanno jir iyo 4 jir waxa ay Ciidanka Dab-demisku Maydki Caruurtaas ku wareejiyeen Ciidanka Booliska gaar ahaan laanta Dambi baadhista ee CID.
Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta JSL waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska iyo Waalidiinti ay ka baxeen labada Caruurta ah in Samir iyo iimaan saadiq ah Alle haka siiyo Aamiin.
Ciidanka Dab-demisku waxa ay si adag bulshada uga digayaan in Caruurta yar-yar guryaha dusha lagaga xidho si looga hortago masiibada dabka loona ilaaliyo badqabka caruurta.
Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
990 Emergency Call

