https://www.premierbank.so/

Itoobiya iyo Maraykanka oo ku heshiiyey iskaashi istiraatiiji ah oo dhanka difaaca iyo amniga ah

Addis Ababa, 21 August 2026 — Itoobiya iyo Maraykanka ayaa ku heshiiyey in ay dhisaan iskaashi istiraatiiji ah oo dhammaystiran oo ku saabsan difaaca iyo amniga, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA).

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayey Sareeye Guud Teshome Gemechu, oo ah Agaasimaha Guud ee Xiriirka Dibadda iyo Iskaashiga Milatari ee Wasaaradda Difaaca Itoobiya, ayaa 19–20 Agoosto booqday Maraykanka.

Wafdigu wuxuu Pentagon-ka kula yeeshay dhiggiisa Maraykanka iyo saraakiil sare oo ka tirsan Waaxda Dagaalka ee Maraykanka wada-tashi laba geesood ah.

Wada-tashiga waxaa dhinaca Maraykanka hoggaaminayey Brian J. Ellis, Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Dagaalka ee Arrimaha Afrika. Labada dhinac ayaa isla qaatay in xiriirkooda milatari iyo diblomaasiyadeed loo gudbiyo heer cusub oo istiraatiiji ah.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, labada dal waxay sidoo kale ku heshiiyeen in la ballaariyo iskaashiga hay’adaha difaaca iyo in la xoojiyo isku-duwidda istiraatiijiga ah.

Iskaashiga cusub ayaa lagu saleeyey dhowr qodob oo ay ka mid yihiin ilaalinta danaha qaranka iyo faa’iidooyinka labada dhinac, dhisidda kalsooni waarta, iyo xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagu sugayo nabadda, amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka.

Teshome Gemechu iyo Brian J. Ellis ayaa sheegay in labada dhinac ay ka go’an tahay in si degdeg ah loo hirgeliyo qaab-dhismeedyada lagu heshiiyey, lana horumariyo xiriirka difaaca ee labada dal.

Intii ay Maraykanka joogeen, wafdiga Itoobiya waxay sidoo kale kulamo la yeesheen saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha difaaca Maraykanka, iyagoo booqday xarumo ka tirsan hay’adahaas.

Saamaynta gobolka: Iskaashiga cusub ee Itoobiya iyo Maraykanka wuxuu ku soo beegmayaa xilli Geeska Afrika uu wajahayo caqabado amni iyo diblomaasiyadeed oo isdaba joog ah. Inkasta oo bayaanka Itoobiya uusan si gaar ah u xusin Somaliland, haddana xoojinta iskaashiga amni ee quwadaha waaweyn iyo dalalka gobolka ayaa si guud muhiim ugu ah mustaqbalka amniga Badda Cas iyo Geeska Afrika, oo ay Somaliland ku leedahay goob istiraatiiji ah.