https://www.premierbank.so/

Israa’iil oo Gaza ku qabatay hoggaamiye sare oo Xamaas ah

Israa’iil ayaa sheegtay inay magaalada Gaza ku qabatay Muin al-Arabid, oo ay ku tilmaantay madaxa waaxda amniga gudaha ee Xamaas, kaddib hawlgal ay fuliyeen ciidamada gaarka ah iyo hay’adda Shin Bet.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ninkan uu door ku lahaa qarin iyo dhaqaajinta la haystayaal Israa’iili ah. Xamaas ayaa iyaduna sheegtay in hawlgalku dhacay, iyadoo dhinaca Falastiin ay sheegeen in ninka la qabtay uu dhaawacmay.

Intii uu socday hawlgalka, Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka fulisay deegaanka si ay u taageerto ciidamada dhulka. Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah, lagu dilay weerarrada, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.