https://www.premierbank.so/

Axmed Ciise Cawad oo Bogaadiyay Go’aanka Maxkamadda Sare ee Laashay Doorashadii Galmudug

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa bogaadiyay go’aankii Maxkamadda Sare ee Federaalka ku laashay natiijadii doorashada Galmudug.

Danjire Cawad wuxuu go’aanka Maxkamadda Sare ku tilmaamay mid Soomaaliya u horseedaya dowladnimo ku dhisan hay’ado kala madax bannaan, maamul wanaag iyo isla xisaabtan.

“Go’aanka Maxkamadda Sare ee JFS ay ku diidday doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud ee Galmudug waa mid dowlad-dhiska Soomaaliya ulamid ah kacaankii sharafta lahaa ee Ingiriiska (Glorious Revolution) ee 1688 iyo kii Faransiiska (French Revolution) ee 1789, kuwaasoo horseeday dowladnimo ku dhisan hay’ado kala madax bannaan, maamul- wanaag iyo isla xisaabtan” ayuu Cawad ku qoray boggiisa X.