https://www.premierbank.so/

Xisbiga Himilo oo eriyay Xoghayihii Guud, Cabdikariim Macalin

Guddiga Fulinta Xisbiga Himilo Qaran Ee Soomaaliya Ayaa Shir Ay Galinkii Dambe Isniinta 2- Decambar Ku Yeesheeen Magaaladda Muqdisho  waxa ay Ku Sheegeeen In  xubinnimadii Xisbiga laga joojiyay Xildhibaan Cabdikariin Macalin Axmed oo ahaa Xoghayahii Guud ee Himilo Qaran.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa lagu sheegay in xeer u yaalla Xisbiga looga saray xubinnimadii Xildhibaan Cabdikariin Macalin oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sababta ugu weyn ee xubinnimada xisbiga Himilo Qaran looga saaay Xildhibaan Cabdikariin ayaa waxaa ay tahay, kadib markii dhawaan uu beeniyay in Magaalada Dhuusamareeb la geeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsaneyn howlgalka AMISOM.

Sidoo kale Xildhibaankaas ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Xisbiyada Mucaaradka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca Kale Xildhibaan Cabdixakiin oo War qoraal ah kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa sheegay in uu isaga Go’aan ku gaaray inuu ka tago Xisbiga Himilo Qaran waxa Uuna  soo dhaweynayo aqbalaada Xisbiga oo uu ka ahaa Xoghaaye.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in xubnaha Xisbiga ay isku aragti ka noqon waayeen arrimaha ka jira deegaanada Galmudug gaar ahaan Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa kaloo uu xubno ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran uu ku eedeeyay in deegaanada Galmudug ay ka abuurayan colaad, isagoona arrintaas ku tilmaamay fowdo looga dhex raadiyo dana siyaasadeed oo aysan deegaanka dan ugu jirin.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Cabdixakiin Macalin ayaa waxaa uu tilmaamay in Dowladda Federaalka ay isku aragti ka noqdeen arrimo ku aadan dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug oo haatan dowladda ay ku howlan tahay sidii ay u dhisi laheyd Galmudug Cusub oo loo dhan yahay.

https://www.premierbank.so/