https://www.premierbank.so/

Xal laga gaadhay Shahaadada Ardayda Puntland

Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matala dawlad goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay xaqiijiyey in xal laga gaadhay khilaafkii soo kala dhex galay dawladda dhexe iyo dawlad goboleedka Pumtland ee ka curtay Shahaadada ardayda deegaanada Pumtland.

Xildhibaanadan deegaan doorashoodu tahay Puntland ee ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo Isniinta 17 Febarwari warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulan ay la qaateen madaxwaynaha dawladda fadaraalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu garawshiiyo ka siiyey arrintaasi dhacday,iskuna afgarteen in arrintaasi xal laga gaadhay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ugu jira Puntland waxay intaasi ku dareen in madaxwayne Farmaajo uu hay’adaha ku shaqada leh bixinta Shahaadada Somaliya ku amray in ardayda dhamaysa dugsiyada waxbarasho ee Puntland lasiiyo shahaadada Somaliya. Waxaana ay madaxwaynayaasha Somaliya iyo Puntland iyo wasiirada waxbarasho eelabada dhinacba uga mahadceliyeen sida wanaagsan ee loo dhameeyey khilaafkaasi soo kala dhex galay ee ka dhashay bixinta Shahaadada ardayda dhamaysata dugsiyasda waxbarasho ee Puntland

https://www.premierbank.so/