Wadamo la saaxiib ah Israaiil, oo cadaawad u muujiyay Somaliland
Dalalka Masar, Turkiga, Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israaโiil ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Goโaankan ayaa yimid kaddib wadahadallo tilifoon ah oo uu sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Cabdul Caati iyo wasiirada arimaha dibadda dalalkaasi, kuwaas oo cambaareeyay waxay ku sheegeen tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo wax u dhimaysa madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana ku tilmaamay aqoonsigaasi khatar ku ah nabadda iyo amniga caalamiga ah.
Dhanka kale, waxaa la yaab leh in dalalkaas Carbeed iyo Turkiguba ay xidhiidho rasmi ah oo xooggan la leeyihiin Israaโiil ay haddana ka cadhoodeen aqoonsiga Somaliland, taas oo muujinaysa laba-wejiileyn siyaasadeed. Isla dalalkan ayaa diidaya xaqa Somaliland ee jiritaanka iyo aayokatashiga, inkastoo ay Somaliland dhisatay oo dhidibada u taagtay nabad iyo dawladnimo shaqaynaysa in ka badan 30 sano.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxay u mahadcelinaysay Israaโiil taageerada ay muujisay, iyadoo xaqa aayo ka tashigu yahay wax shacabka u yaalla.






