https://www.premierbank.so/

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL ahna Ku-simaha Madaxweynaha oo ka Qaybgalay Xuska Sannad-guurada 30-aad ee Aasaaska Ciidanka Ilaalada Xeebaha

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibadda xuska sannad-guurada 30-aad ee aasaaska Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL.
Munaasibaddan oo lagu qabtay Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha ayaa waxa sidoo kale goobjoog ka ahaa taliyeyaasha ciidamada qaranka iyo wakiillo ka socday dalalka saaxiibka la ah Somaliland.
Madaxweyne Ku-xigeenka JSL oo halkaasi ka jeediyey khudbad ayaa u hambalyeeyey dhammaan ciidanka iyo qoysaskooda, isaga oo yidhi:

โ€œFarxad weyn ayay ii tahay inaan maanta ka qaybgalo xuska sannad-guurada 30-aad ee aasaaska Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland. Xuskan awgiis, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa taliyeyaasha, taliye-ku-xigeennada, saraakiisha, saraakiil-ku-xigeennada, dablayda Ciidanka Ilaalada Xeebaha, xaasaskooda iyo carruurtooda. Waxaanan u rajaynayaa in Eebbe caafimaad qab iyo guul inagu gaadhsiiyo sanadkan sanadkiisa.โ€

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL waxa kale oo uu xusay muhiimadda khayraadka badda, isaga oo ugu baaqay bulshada reer Somaliland inay si buuxda uga faaโ€™iidaystaan khayraadkooda badda:

โ€œDunida, qiimo weyn ayuu khayraadka baddani ugu fadhiyaa. Maadaama xoolo-dhaqashadii sii yaraanayso, waa in aynu xoogga saarno ka faaโ€™iidaysiga kaluunka iyo khayraadka kale ee badda ku jira.โ€

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka JSL ayaa sheegay inay ka goโ€™an tahay, xukuumad ahaan, horumarinta iyo tayaynta Ciidanka Ilaalada Xeebaha

:
โ€œXukuumad ahaan waxa naga goโ€™an inaanu Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ka dhigno kuwo awooddooda iyo tayadoodu gaadho heer caalami ah.

โ€
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland