Hadalkii Maraykanka ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay โ Arrinta Aqoonsiga Somaliland
0 Comments
Kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Dawladda Maraykanka waxay jeedisay hadal kooban balse macno weyn xambaarsan, kuna saabsan aqoonsiga ay Israaโiil siisay Somaliland:
- Maraykanku wuxuu caddeeyey in Israaโiil ay xaq u leedahay inay qaadato goโaannadeeda diblomaasiyadeed, oo ay ku jirto cidda ay aqoonsanayso.
- Maraykanka wuxuu tilmaamay laba-wejiileyn (double standards) Golaha Ammaanka, safiiradda oo xustay in dalal dhowaan aqoonsaday Falastiin (oo ah dal aan jirin, siday sheegtay), halkaas oo Golaha Ammaanku aanu wax shir ah isugu yeedhin, sida maanta.
- Maraykanku wuxuu sheegay inuusan wakhtigan wax hadal dheeraad ah ka bixin doonin arrinta dawladnimada Somaliland, mana uusan diidin mana uusan xaqiijin.
Inkastoo Maraykanku uusan si toos ah u aqoonsan Somaliland, hadalkiisu wuxuu ahaa mid u janjeedha dhinaca Somaliland iyo Israaโiil, isla markaana furay albaab cusub oo dood caalami ah oo ku saabsan xaqa Somaliland u leedahay aqoonsi buuxa.
Arrinta Somaliland maanta waxay gaadhay masraxa ugu sarreeya ee caalamka.






