https://www.premierbank.so/

Booliska Somaliland oo Tallaabo ka qaaday Askari ku xadgudbay

Taliska guud ee ciidamada Bilayska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in saacado kooban uun kadib talaabo sharci ah laga qaaday askari ka tirsan ciidamada Bilayska Somaliland oo laga duubay muuqaal isaga oo ugu gacan qaadaya gabadh da’yar ah goob loo malaynayo in ay tahay Kaantaroolka Bari ee magaalada Hargeysa.

Taliska guud ee ciidamada Bilayska Somaliland ayaa qoraal kooban oo ay Isniinta 17 Febarwari ku baahiyeen warbaahinta ku hadasha afkooda waxay ku sheegeen in iyaga oo ka duulaya hal ku dhigga ay isticmaalaan ciidanka Bilaysku ee ah “Boolisku Waa Saaxibka Dadwaynaha” in askarigaasi oo darajadiisa ciidan ay tahay Saddex Alifle laguna magacaabo Mahad Cabdi Cismaan laga ruqseeyey shaqadii ciidan ee uu hayay madaama oo ku kacay falal xadgudub ah isaga oo xidhan sharaftii ciidanka Booliska Somaliland.

Talabaadan jawaab celinta ah ee taliska Boolisku bixiyeen ayaa kusoo beegmaysa saacado kooban uun kadib markii Baraha ay bulshaduy ku kulanto ee Facebook-ga si wayn loogu baahiyey muuqaal si qarsoodi ah Mobile loogu duubay oo muujinaya askari xidhan dirayska ciidanka Bilayska Somaliland oo gabadh da’ yar ah ugu gacan qaadaya goob loo malaynayo in ay tahay kaantaroolka bari ee Hargeysa islamarkaana laga dhex arkay isaga oo dhirbaaxo la dhacay gabadhaaasi,taas oo ay si wayn uga cadhoodeen bulshada Somaliland,uguna baaqeen taliska ciidanka Bilayska in si dhakhso ah. Talaabo looga qaado askarigaasi.

Maaha markii ugu horeysay ee taliska ciidanka Booliska Somaliland jawaab bulshadu si wayn usoo dhawaysay ay ka bixiyaan tan iyo markii madaxwaynaha Somaliland taliyaha guud ee ciidamada Bilayska u magacaabay Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi  falal iyo talaabooyin bulshadu si wayn uga cadhootay oo ay ku kaceen qaar kamid ah askarta ciidanka Bilayska,waxaana xusid mudan in ay u danbaysay talaabadii talisku xabsiga ugu taxaabay ciidankii Bilayska ahaa ee sida wada jirka ah ugu gacan saaray haweenay hooyo magaalada Wajaale,taas oo laga duubay muuqaal qarsoodi ah oo si wayn bulshada uga gilgilatay.

 

https://www.premierbank.so/