https://www.premierbank.so/

Turkey ayaa Axaddii sheegtay inay ciidamada Jeneral Khalifa Haftar ka dhigan doonto โ€œbartilmaameed sharci ahโ€, haddii ay sii socdaan โ€œweerarada ka dhanka ahโ€ danaheeda diblomaasiyadeed ee Libya.

Turkey ayaa ย taageertaa dowladda caalamka u aqoonsan yahay Libya, waxayna la gashay heshiis wada-shaqeyn militari ah, xilli xukuumadda Tripoli ayaa isku dayeyso inay iska caabiso weerarada kaga imanaya maleeshiyada Haftar.

Ankara ayaa cidamada Haftar, oo ay taageeraan Imaaraadka, Masar iyo Ruushka, u aragta inay yihiin โ€œkuwa afgambi doonayaโ€. Ay Ku Qabsadaan Dalkaasi Meeshana Kaga Saaraan Dawlada La Aqoonsan yahay ee Liibiya.

โ€œHaddii howlgalladeena iyo danaheena Libya la bartilmaameedsado, waxaan u arki doonaa ciidamada Haftar bartilmaameed sharci ah,โ€ waxaa sidaas lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda, oo sidoo kale lagu cambaareeyey QM inaysan tallaabo ka qaadin weerarada Haftar iyo Ciidamadiisu ka wadaaan Gudaha Dalkaasi.

โ€œWaa wax aan la aqbali karin in QM ay kasii aamusnaato dilalkan,โ€ ayaa lagu yidhi bayaanka, oo intaas ku daray โ€œDalalka taageerada militari, tan maaliyadeed iyo midda siyaasadeed siinaya Haftar ayaa ka masโ€™uul ah dhibka ay marayaan shacabka Libya qaska iyo xasilooni darrada la geliyey dalka.โ€

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey waxa kale oo ay sheegtay in weerarada garoonka diyaaradha Mitiga ee magaalada Tripoli lagu qaaday Sabtidii ay yihiin dambiyo dagaal.

Khamiistii, Turkey iyo Italy ayaa sheegay in aagga safaaradahooda Tripoli lagu soo duqeeyey hoobiyeyaal. Afhayeen u hadlay ciidamada Haftar ayaa beeniyey inay masโ€™uul ka ahaayeen duqeymaha.