https://www.premierbank.so/

Burundi oo ku gooddisay in ay ciidamadeeda oo dhan kala baxayso Soomaaliya

BUJUMBUURA(CBA TV)-Baarlamaanka dalka Burundi oo ka dooday ka bixitaanka ciidamadooda ee Soomaaliya ayaa taageeray hadalka xukuumadda ee ahaa in haddii Burundi ay ciidan la baxayso ay dhamaan la baxayso.

Guddoomiyaha golaha odayaasha dalka Burundi, Reverien Ndikuriyo ayaa hoosta ka xarriiqay in ciidamadooda laga soo saaray Soomaliya ay baqdin ku abuureyso cutubyada kale ee wali ku harsan gudaha Soomaaliya. Burundi ayaa taa badalkeeda codsatay in tirada bixitaanka si siman loogu qeybiyo dhamaan dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa isku raacay in si tartiib tartiib ah ay ciidamadooda ugala baxaan Soomaaliya illaa sanadda 2021-ka kolkaasoo howlaha ammaanka ee ay dalka ka hayaan ay gabi ahaanba ku wareejin doonaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunzia uu ugu baaqay hoggaanka AMISOM in ay qabtaan shir deg deg ah oo arrinkan looga hadlayo walow illaa iyo iminka uusan qabsoomin shirkaas.

Ciidamada Burundi oo kaalinta labaad kaga jira ciidamada ugu tirada badan ee AMISOM ayaa Soomaaliya soo galay sanadkii 2007-dii iyaga oo illa iyo markaas ka hoos shaqeynayay AMISOM oo gacan siinaysay dowladda Soomaaliya.

https://www.premierbank.so/