Koobka adduunka Qatar 2022 waxa inaga xiga wax ka yar 8 bilood waxana fasaxa xulalkan la ogaan doonaa xulal badan oo u soo baxa koobka adduunka.
19 Xul ayaa ilaa haatan u soo baxay koobka adduunka kuwaas oo goostay tigidhkooda wareega Group-yada koobka adduunka iyada oo xulka 4 jeer ku guulaystay ee Italy si lama filaan ah looga reebay.
Waxa la sugayaa in ay 13 xul oo kale u soo baxaan koobka adduunka iyada oo isku aadka wareega Group-yada ee koobka adduunka la samayn doono todobaadka dambe.
Kooxaha Qaarada Europe:
Germany, Denmark, France, Belgium, Croatia, Spain, Serbia, England, Switzerland, Netherlands
Xulalka CONMEBOL ee u soo baxay Koobka Adduunka:
Brazil, Argentina, Ecuador, Uruguay
Xulalka Aasiya ee u soo baxay Koobka Adduunka:
Qatar, Iran, South Korea, Japan, Saudi Arabia