https://www.premierbank.so/

XASAASI: Tababare Erik Ten Hag Oo Maray Waraysigiisii Shaqada Tababarenimo Ee Man United & Aragtida Maamulka Kooxdaasi Oo La Ogaaday.

 

Sida uu sheegayo wargeyska Sportsmail, Manchester United ayaa gudaha toddobaadkan waraysiga shaqadeeda tababarenimo ka qaaday macalinka kooxda Ajax ee Erik Ten Hag.

52 sano jirkaas ayaa lagu soo warramayaa inuu Isniintii maray tijaabada waraysiga ee kooxda xilli ay doonayaan inay hore go’aan uga gaadhaan macalinka ay sida rasmiga ah ugu bedelayaan Ralf Rangnick oo kumeel gaadh ah.

Ilo u dhaw dhaw Manchester United ayaa Salaasadii shalay sheegay in waraysi laga qaaday qaar kamida tababarayaasha ku tartamaya jagada macalinimo ee Old Trafford oo ay ku jiraan Luis Enrique, Mauricio Pochettino iyo Julien Lopetegui.

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaan isagu ahayn dookh macquul ah, Ten Hag oo mar lala xidhiidhin jiray Tottenham iyo Newcastle United ayaa ah macalinka haatan hoggaanka u haya hirdanka shaqadaas.

Man United ayaa rajaynaysa inay go’aan gaadho kahor dhammaadka bisha dambe ee April iyo inay tababaraha xiga si rasmi ah u magacaabaan sida ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan.

Tababaraha Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa ahaa midka inta ugu badan shaqada United kula tartamayay Ten Hag balse fursadiisa ayaa hoos u dhacday mudooyinkii ugu dambeeyay waxaana haatan ka gacan sarreeya tababaraha Dutch-ka ah.

 

 

https://www.premierbank.so/