https://www.premierbank.so/

XASAASI: Barcelona Oo Qaadaysa Talaabo Ay Real Madrid Ugu Garaacayso Saxiixa Kylian Mbappe.

 

Xitaa hadii ay tahay mid aan la rumaysan karin, Kylian Mbappe ayaa u muuqda mid helay koox cusub oo doonaysa saxiixiisa xilli si weyn loola xidhiidhinayo kooxda Real Madrid.

Wargayska L’Equipe ayaa sheegaya in madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa bilaabaya in uu qabto waxa uu awoodo si uu uu Saxiixa Kylian Mbappe ugu garaaco kooxda Real Madrid.

Inkasta oo Ay u badantahay in uu xiddiga PSG noqon doono xiddig Ral Madrid ah hadana waxa jirta fursad yar oo ay Barcelona saxiixa xiddiga ku garaaci karto Real Madrid ama ay dib u dhigi karaan ku biirista xiddiga ee Real Madrid inta ay xal u helayaan dhamaystirka saxiixa xiddiga Haaland.

L’Equipe ayaa sheegaya in Laprota uu go’aansaday in uu xiddiga dalab ka gudbiyo waliba isku dayo in uu ku qanciyo in uu badalo go’aankiisa uu ugu biirayo kooxda Real Madrid.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona ku kalsoontahay in heshiiska ay la galeen shirkada Spotify ka caawin karto saxiixa xiddiga waliba ku qancin doonaan in uu doorto kooxda Xavi.

 

 

https://www.premierbank.so/