https://www.premierbank.so/

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxa Ay Wargeysyada Yurub Qoreen Maanta Oo Axad Ah.

Maamulka Premier League ayaa xanibay heshiiskii ay Burnley kusoo qaadanaysay Victor Moses oo kaga iman lahaa kooxda dalka Ruushka ee Spartak Moscow. (Sky Sports)

Leicester City khadkeeda dhexe ee Youri Tielemans ayaa sheegay inuu doonayo ka ciyaarista UEFA Champions League. (Mirror)

Manchester United iyo Arsenal ayaa lala xidhiidhinayaa Youri Tielemans oo ay Leicester 35 Milyan oo euro ku fasaxayso xagaaga, (Metro)

Southampton iyo Crystal Palace ayaa xiisaynaya saxeexa khadka dhexe ee Harry Winks oo ka tirsan Tottenham. (Star)

Paulo Dybala ayaa noqon kara bedelka Inter Milan ee weeraryahanka ay Argentina kasoo wada jeedaan ee Lautaro Martinez. (Mail)

Borussia Dortmund weeraryahankeeda Erling Braut Haaland ayaa Man City amaba Real Madrid ku biiri doona xagaaga balse diiday heshiiskii koowaad ee uu ka helay City. (AS – in Spanish)

Napoli ayaa 100 milyan oo euro ku dooni doonta iibka weeraryahan Victor Osimhen oo xiiso ka helay Arsenal, Liverpool, Manchester United, Newcastle iyo Tottenham. (Fichajes – in Spanish)

Paris St-Germain ayaa indho-indhayn ku samaynaysa xaalada garabka kooxda Leeds United ee Raphinha. (Mail)

PSG ayaa bartilmaameedkeeda koowaad ka dhigtay saxeexa Paul Pogba oo heshiiskiisa Man United xagaaga dhacayo. (Fabrice Hawkins, via Express)

PSG ayaa sidoo kale xagaaga la saxeexan karta weeraryahaka Chelsea ee Romelu Lukaku. (Football Insider)

Mustaqbalka Adama Traore ee Barcelona ayaa ku xidhan haddiiba ay Wolves go’aansato inay heshiiska amaahda ah ee Trincao rasmi ka dhigto. (Mundo Deportivo)

Wolves ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay khadkeeda dhexe ee Ruben Neves iyada oo isku dayaysa inay meesha ka saarto xiisaha u imanaya. (90min)

Inter Milan ayaa rajaynaysa inay heshiis cusub la meel dhigto daafaceeda dhexe ee Milan Skriniar. (Gazzetta dello Sport)

 

 

https://www.premierbank.so/