https://www.premierbank.so/

WAAYO CUSUB: Juventus Oo Dib U Habayntii Ugu Weyneyd Kooxdeeda Ku Samaynaysa, Xiddigaha Laga Nadiifinayo & Kuwa Lagu Soo Xoojinayo.

 

Kaddib markii ay dhawaan qaab fadeexad ah sababta kooxda Villarreal ugaga hadheen UEFA Champions League, Juventus ayaa isku diyaarinaysa inay isbedel weyn ku samayso safka kooxdeeda suuqa xagaaga ee soo socda.

Waayaha cusub ee Allianz Stadium laga hirgalinayo ayaa bilaabmay suuqii January iyadoo Juve heshiis 75 Milyan oo euro ah kula soo wareegtay Dusan Vlahovic oo kaga yimid Fiorentina.

Juventus ayaa doonaysa inay badi boosaska kooxdeeda oo dhan xoojiso, aan ku bilawnee liiska xiddigaha khadka dhexe ay u doonayso ayuu ugu sarreeyaan Ryan Gravenberch oo Ajax kasii socdaa. Ajax ayaa 35 Milyan oo euro ku doonaysa iibka 19 sano jirkaas halka ay Juve 25 Milyan diyaar la tahay.

Xiddigaha kale ee ay khadka dhexe bartilmaameedka uga dhigatay ayaa laga tilmaami karaa Frankie De Jong (Barcelona), Youri Teilemans (Leicester City), Paul Pogba (Man United) iyo Renato Sanches (Lille).

Marka ay dhinaca daafaca noqoto, Bianconeri ayay liiskooda ka muuqdaan magacyada kala ah Marcos Alonso, Antonio Rudiger (Chelsea), Gleison Bremer (Torino) iyo Nikola Milenkovic (Fiorentina) halka ay weerarka u doonayaan Nicolo Zaniolo (AS Roma) iyo Gianluca Raspadori (Sassuolo).

Sidooo kale Juventus ayaa qorshaynaysa inay go’aamiso xiddigaha kooxdeeda ka baxaya, midka ugu muhiimsan ayaa ah Paulo Dybala oo heshiiskiisu xagaaga dhacayo isla markaana aan wali la hubin haddiiba uu wax heshiis kordhin ah samayn doono.

Alvaro Morata ayaa sidoo kale bixi kara iyadoo ku xidhan dalabaadka kooxda uu amaahda kaga soo maqan yahay ee Atletico Madrid, si lamid ah Moise Kean, Alex Sandro, Arthur Melo iyo Luca Pelligrini ayaa dhammaantood albaabka Allianz Stadium la tusi karaa.

 

 

https://www.premierbank.so/