https://www.premierbank.so/

WAA IIB: Real Madrid Oo Suuqa Dhigtay Saddex Xiddig Oo Ay Ka Quusatay & Saddexda Bilaashka Ku Baxaya.

Real Madrid ayaa doonaysa inay iska iibiso saddex kamida xiddigaha kooxdeeda oo ay u aragto kuwo aan wax rajo ahi kasoo socon iyaga oo raacinaya xiddigo waaweyn oo heshiisyadoodu xagaaga dhacayaan.

Saddexda xiddig ee ay Real Madrid iibinayso ayaa kala ah Eden Hazard, Luka Jovic iyo Mariano Diaz si ay uga sameeyaan lacag ay saxeexyo cusub ku sameeyaan.

Los Blancos ayaa si culus markale loola xidhiidhinayaa Kylian Mbappe oo PSG qaab bilaash ah kaga imanaya xilli ay warar kale tibaaxayaan inaysan wali iska dhiibin rajada ah inay Erling Haaland kala soo wareegaan Borussia Dortmund.

Marka laga yimaado in Mbappe saxeexiisu bilaash yahay haddana waxa aad u badan lacagta uu mushahar ahaan u doonayo iyo mida uu abaalmarin ahaan u qaadan doono marka uu heshiiska saxeexo.

Dhinaca kale heshiiska Haaland ee Dortmund ayaa ah mid lagu jabin karo 66 Milyan oo pound waxaana intaas u dheer mushahar toddobaadkii 500,000 oo pound ah oo uu doonayo iyo waliba gunnada ay rabaan aabihii iyo wakiilkiisu.

Iyadoo ay sidaasi jirto ayuu wargeyska AS sheegayaa inay Madrid doonayso inay dhinto mushaharaadka ay bixiso waxaana ay rabaan inay meesha ka saaraan Hazard, Mariano iyo Jovic.

Aan ku bilawnee Hazard ayaa sanadkii 30 Milyan oo euro mushahar ahaan u qaata halka Mariano Diaz uu helo 9 Milyan oo euro waxaana intaas dheer 10-ka Milyan ee euro ee Jovic taas oo ka dhigan in saddexdooda oo kaliyi ay 49 Milyan oo euro ku fadhiyaan.

Sidoo kale saddexda xiddig ee waaweyn ee bilaashka ku baxaya ayaa kala ah Gareth Bale, Marcelo iyo Isco oo heshiisyadooda Los Blancos dhacyaan dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Gareth Bale ayaa sanadkii si lamid ah Hazard u xaadira 30 Milyan oo euro halka Marcelo iyo Isco ay kala helaan 16 Milayn oo euro iyo 13 milyan oo euro sida ay u kala horreeyaan.

In kooxda laga diro Hazard, Jovic iyo Mariano ayaan noqon doonin wax sahlan, wargeyska MARCA ayaa dhawaan sheegay in Hazard uu doonayo inuu dhammaysto heshiiskiisa kooxda ee 2024 dhacaya.

 

 

https://www.premierbank.so/