https://www.premierbank.so/

“Ujeedka Barcelona Waa Inaan Ku Badino Bernabeu Kaddibna….” – Jordi Alba Oo Banaanka Keenay Hammiga Barca Ee Clasico

 

Daafaca bidix ahna mid kamida hoggaamiyayaasha safka Barcelona ee Jordi Alba ayaa ka hadlay hammiga kooxdiisa ee kulanka muhiimka ah ee ay caawa gegida Estadio Santiago Bernabeu ku booqanayaan kooxda majaraha u haysa horyaalka La Liga ee Real Madrid.

Barcelona ayaa haatan 15 dhibcood ka dambaysa Real Madrid iyaga oo booska saddexaad jooga isla markaana uu hal kulan baaqi u yahay.

Alba ayaa sheegay in hammiga kooxdiisa ee kulankaasi yahay inay guul soo gaadho kaddibna ay 12 dhibcood u jirsato Los Blancos si haddii kulanka baaqiga u ah ay guuleystaan ay 9 dhibcood ugu jirsadaan isla markaana ugu laabtaaan tartanka horyaalka loogu jiro.

“Dareenkayagu waa inaanu Bernabeu u tagno si aanu u guuleysano oo aanu sii wadno inaanu u dagaalano horyaalka La Liga, Clasico waxay qeexaysaa inta ka hadhsan xilli ciyaareedka” ayuu yidhi Jordi.

Xavi ayaa Barcelona kala wareegay Ronald Koeman waxaana uu kooxda kusoo celiyay kubaddii qurxoonayd iyo guulihii labadaba.

Alba oo ka hadlaya tababarihiisa ahna saaxiibkiisii hore ee kooxda ayaa yidhi “Imaatinkiisa ka tababare ahaan war cajiib ah ayuu u ahaa qolka labiska, isagu kooxda gudo iyo dibadba wuu u yaqaanaa dhinaca wanaagsan iyo dhinaca xunba taasina waxay ku siinaysaa kalsooni badan”.

“Dareenka meesha ku hareeraysani haatan waa mid sidii hore ka fiican, waxaan dhiirigelinta ka dhex arkaa xiddigaha kooxda iyo taageerayaashaba”.

 

 

 

https://www.premierbank.so/