https://www.premierbank.so/

Semi-finalka FA Cup Ee Liverpool vs Man City Oo Loo Raray Wembley Stadium Iyadoo Ay Suurtogal Tahay In Aanay Taageereyaashu Tegin.

Liverpool iyo Manchester City ayaa ku ciyaari doona garoonka Wembley semi-finalka tartanka FA Cup, laakiin waxa jirta cabsi laga qabo in ciyaartaas ay wax taageereyaal labada kooxood ahi iman waayaan.

Toddobaadka ay ciyaartani dhacayso ayaanay shaqaynayn tareennada ka yimaadda Liverpool iyo Manchester ee taga caasimadda UK ee London, waxaanay taasi yarayn doontaa in wax taageereyaal ah ay tegi karaan kulankan.

Waddooyinka tareennada ee London ku xidhiidhiya magaalooyinka Manchester iyo Liverpool ayaa la dibu-dhis lagu samaynayaa badhtamaha bisha dambe ee April, mana jiri doonaan wax tareeno ah oo iskaga gooshi doona Liverpool iyo Manchester oo tegaya London maalmaha 16ka iyo 17ka April, waqtigaas oo ay dhacayaan kulamada semi-finalku.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa laga filayay inay ciyaartan u wareejiyaan garoon kale oo ku yaalla magaalo aan London ahayn maadaama ay taageereyaashu ku dhibaatoonayaan inay yimaaddaan caasimadda mar haddii aanay shaqaynayn tareennadu, hase yeeshee FA-ga ayaa ku adkaystay go’aankiisa ah in ciyaartan lagu dheelo Wembley oo aan laga guurin dhaqankii tartanka.

Lix bilood ka hor ayaa loo sii dheegay FA-ga, in jidadka tareennadu xidhnaan doonaan badhtamaha bisha April, ayna ku darsadaan xisaabta, waxaana waqtigaas warqad u gudbiyey maamulka waddooyinka tareennada ee loo yaqaano ‘Networkd Rail’

Laakiin FA-ga ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay, in ay si dhow ula soconayaan taageereyaasha Liverpool iyo Manchester City, ayna ka shaqaynayaan sidii ay jamaahiirtu u iman lahaayeen Wembley Stadium.

Tan iyo sannadkii 2011, ugu yaraan hal koox oo ka dhisan Woqooyi-Galbeed UK ayaa imanaysay semi-finalka sannad walba, waxaana sannadkan ay dhismaha jidadka tareenku saamayn ku yeelanayaan labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester City.

Taageereyaasha Liverpool ee lagu magacaabo Spirit of Shankly iyo kuwa Manchester City ee loo yaqaano 1894 Group ayaa war-saxaafadeed wada-jir ah oo ay soo saareen, waxay kaga dalbadeen FA-ga in garoon kale loo wareejiyo ciyaartan, iyagoo su’aalay sida ay ku tegi karayaan halkaas haddii aan isbeddel lagu samayn garoonka lagu ciyaarayo.

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/