Ronaldo Oo Wadnafa Farta Ku Haya & LABA Halbawle Oo Ka Maqnaanaya Portugal Kulamada Bug-Baxa Koobka Aduunka.
Xulka qaranka Portugal iyo kabtankooda Cristiano Ronaldo ayaa si wadajir ah wadnaha farta ugu haya kaddib war dhiilo ah oo kasoo gaadhay dhinaca xiddigaha daafaca dhexe ee muhiimka u ah ee Ruben Dias iyo Pepe.
Daafaca Manchester City ee Dias ayaa bilawgii bishan uu haleelay dhaawac seejiyay afartii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxdiisa, waxa uu u muuqdaa mid aan diyaar u ahayn inuu inta bishan ka hadhsan ciyaaro.
Iyagoo sii laba jibaaraya dhibaatooyinka daafac ee marka horeba haystay xulka ayay xidhiidhka kubadda cagta Portugal warbixin rasmi ah ku xaqiijiyeen in Pepe uu isaguna ku maqnaan doono sababta caabuqa Korona Fayras oo laga helay.
Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in daafaca kooxda LOSC Lille ee Tiago Djalo oo markii hore xiddigaha 21 sano jirka ka yar ee Portugal loo xushay markan bedelka Pepe loogu wacay xulka koowaad.
Maqnaanshaha Dias iyo Pepe oo ahaa lamaanaha asaasiga ah ee daafaca dhexe ayaa dhirbaaxo xoogan ku noqonaysa fursada uu koobka aduunka ugu soo baxayo xulka lagu naanayso OS Novegadores.
Dias ayaa mudadii uu joogay City noqday mid kamida xiddigaha dunida ugu wanaagsan booskiisa halka Pepe yahay mid khibrad weyn leh isaga oo 123 kulan soo metelay xulka.
Cristiano Ronaldo iyo Portugal ayaa talo saaran doona lamaanaha daafca dhexe ee kooxda Lille ee Jose Fonte iyo Djalo oo wada ciyaari doona