https://www.premierbank.so/

RASMI: Xiddigaha Liverpool Ee Kulanka Arsenal Ee Caawa Oo Lasoo Saaray – Miyuu Maqan Yahay Mohamed Salah?

Liverpool ayaa caawa safar ugu tegaysa Arsenal, waxaana haddii ay guuleysato ay hal dhibic oo kaliya u jirsan doontaa Manchester City oo hoggaanka haysa, waxaanay taasi si dhab ah Jurgen Klopp iyo xiddigihiisa ugu furi doontaa in ay horyaalka  ku tartamaan, iyagoo helaya fursad kasta oo suurtogal ah oo ay ku dhaafi karayaan Man City.

Horyaalka xilli ciyaareedkan ayay ka hadhsan yihiin sagaal kulan, waxaanu Jurgen Klopp maalmihii ugu dambeeyey xiddigihiisa u diyaarinayay sidii ay libin uga soo gaadhi lahaayeen Arsenal oo iyaduna ku dagaallamaysa booska kaalinta afraad oo ay isku cidhiidhyayaan Manchester United.

James Milner iyo Kostas Tsimikas ayaa la xaqiijiyey in ay xanuunsanayaan oo aanay ciyaarta caawa ee Arsenal aanay qayb ka noqon doonin, hase yeeshee Mohamed Salah oo uu dhaawac kasoo gaadhay kulankii Brighton ee horraantii toddobaadka ayaa dib ugu soo laabtay tababarka Salaasadii shalay, waxaana lagu soo daray liiska ciyaartoyda kooxda ee u safraya magaalada London.

 

Jurgen Klopp ayaa go’aan ka gaadhi doona haddii uu kusoo bilaabayo Mohamed Salah iyo haddii uu kaydka dhigayo, waxaanu go’aanku ku xidhnaan doonaa talada dhakhaatiirta iyo dareenka ciyaartoyga ee dhinaca taam ahaanshihiisa.

Salaasadii ayuu warbaahinta la hadlay Klopp, waxaanu xaqiijiyey in kooxdiisu ay nasiib badan lahayd marka la eego dhaawaca Salah iyo sida uu u ladnaaday, waxaanu yidhi: “Waxay u egtahay inuu soo kabtay. Mo waa nin adag. Nasiib ayaanu lahayn. Waxa uu dareemay xanuun, shalayna wuu ka yaraaday xanuunku, hadda duugis ayaa loo samaynayay ka hor intii aanan shirka jaraa’id usoo fadhiisan [shalay duhurkii ayuu shirka jaraa’id qabtay]. Mo waxauu diyaar u yahay tababarka, waanaynu eegi doonaa sida ay wax noqdaan.”

 

Liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulanka Arsenal ee caawa

 

Goolhaye: Adrian, Alisson Becker, Caoimhin Kelleher.

 

Difaacyahano: Andy Robertson, Ibrahima Konate, Joel Matip, Joe Gomez, Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk.

 

Khadka dhexe: Alex Oxlade-Chamberlain, Curtis Jones, Fabinho, Harvey Elliott, Jordan Henderson, Naby Keita, Thiago Alcantara.

 

Weerarka: Diogo Jota, Divock Origi, Luis Diaz, Mohamed Salah, Sadio Mane, Takumi Minamino, Roberto Firmino.

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/