https://www.premierbank.so/

QIIMAYN: Kulamada Go’aamiyanaya Horyaalka Premier League Iyo Isbarbar-dhigga Ciyaaraha U Hadhay Liverpool & Man City.

Kooxaha Manchester City iyo Liverpool ayaa isku diyaarinaya kulamada dhamaadka xilli ciyaareedka, iyadoo naadi walba ay u hadhsan yihiin min sagaal ciyaarood oo ay ku jirto ciyaar ay labadoodan kooxood wada dheeli doonaan.

Hal dhibic oo kaliya ayaa u dhaxaysa labada kooxood, waxaana labadii bilood ee ugu dambeeyey hoos usoo dhacaysay Manchester City oo waqtiyada qaarkood 13 dhibcood ka horreysay Liverpool, hase yeeshee Jurgen Klopp ayay kooxdiisu guulo xidhiidh ahaa gaadhay, waxaanay farqigaas kusoo koobtay hal dhibic oo kaliya.

Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp ayaa foodda isku dari doona Etihad Stadium marka ay taariikhdu tahay April 10, waxaanay ciyaartaasi noqon kartaa midda go’aaminaysa xilli ciyaareedka iyo kooxda koobka ku guuleysanaysa, inkasta oo ay natiijooyinka siddeedda ciyaarood ee kale ay door weyn ciyaari karayaan.

Wargeyska The Sun ayaa qiimayn ku sameeyey kulamada u hadhsan labadan kooxood, waxaana uu farta ku fiiqay naadiga fursadda ugu fiican u haysta in horyaalka sannadkan loo caleemo-saaro May 22.

Manchester City iyo dariiqa dheer ee sugaya

Manchester City ayaa ciyarteeda ugu soo horreysa marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah, waxay safar ku tegi doontaa Turf Moor oo ay Burnley kula ciyaari doonto, waana naadi 14 ciyaarood laga badiyey xilli ciyaareedkan socda.

Kaddib waxay martigelin doontaa Liverpool oo ay kula ciyaarayso hoygeeda iyo jamaahiirteeda hortooda. Waxa ugu sii xigi doona Brighton iyo kooxda daalaa-dhacaysa ee Watford ka hor inta aanay bisha April kusoo xidhanin Leeds United.

Bisha May ayay ku daah-furan doonaan Newcastle United oo soo booqanaysa Etihad Stadium, kaddibna waxay u xidhan doonaan safar ay ku tegi doonaan magaalada London oo ay ku sugayso West Ham United oo lagu tilmaami karo ciyaarta ugu adag ee u hadhay marka laga reebo Liverpool.

Pep Guardiola ayaa markaas kaddib kooxdiisa u diyaarin doona naadiga uu tababaraha u yahay halyeyga Liverpool ee Aston Villa oo hore ay usoo garaaceen lix jeer oo ay magaalada Manchester yimaaddeen.

Inta ay kulamadani socdaan, Manchester City waxa u dhax-raaci doona Champions League iyo semi-finalka FA Cup oo ay Liverpool iyo Atletico Madrid isku arki doonaan.

Waxa kale oo Man City sugaysa Wolves oo ciyaartooda horyaalka Premier League aan wali waqti loo cayimin.

Liverpool iyo jidka qodxaha leh ee sugaya

Liverpool ayaa haddii uu waqtigu saacido, waxay ku guuleysan doontaa horyaalkeedii 20aad waxaanay la barbarrayyn doontaa Manchester United oo hal koob dheer, laakiin waa in ay kulamada u hadhay guuleystaan, kuna ducaystaan in Man City ay kusii jirto xaaladda labadii bilood ee ugu dambeeyey oo kale oo ay dhibco badan lumiyeen.

Marka laga soo laabto fasaxa kulamada caalamiga ah, Liverpool waxay waajihi doontaa Watford ka hor inta aanay u tegin Manchester City, taas oo ay ugu sii xigi doonto Manchester United oo ugu iman doonta Anfield. Waxa kale oo sugaysa Everton oo kulanka afraad ah.

Kulanka shanaad ee horyaalka ayaa ah Newcastle United oo ay Liverpool u tegi doonto. Tottenham, Tottenham, Wolves iyo Southampton ayaa iyaguna liiska  ku jira, halka aan wali waqti loo cayimin ciyaarta dib loo dhigay ee Aston Villa.

Saddex ciyaaarood ayaa la odhan karaa Liverpool way u fudud yihiin, laakiin lix kulan oo ay ku jiraan Everton, Man City, Man United iyo Tottenham ayaa caqabad weyn ku noqon doona Liverpool.

Isbarbar-dhigga

Marka la isbarbar-dhigo kulamada u hadhsan labada kooxood, inkasta oo horyaalku uu marayo meel ay koox walba dagaallamayso, waxa kulamo fudud ay sugayaan Manchester City marka loo eego Liverpool.

Halkan kaga bogo kulamada u hadhsan koox walba

 

 

https://www.premierbank.so/