https://www.premierbank.so/

Paul Scholes Oo Man United U Tilmaamay Laba Tababare Oo Dib U Dhisi Kara Man United.

Halyeyga khadka dhexe ee Manchester United Paul Scholes ayaa u aqoonsaday Antonio Conte iyo Thomas Tuchel inay yihiin musharrixiinta uu doorbidayo inay noqdaan tababaraha joogtada ah ee Red Devils.

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee hadda Ralf Rangnick ayaa lagu wadaa inuu qabto door la-talin dhamaadka xilli ciyaareedka, isagoo banneynaya kursiga tababarka,Tababarayaasha Mauricio Pochettino iyo Erik ten Hag ayaa la rumeysan yahay inay yihiin musharaxiinta ugu cadcad shaqada, sida laga soo xigtay Mirror.

Laakiin Scholes ma eegayo wax dhaafsiisan Horyaalka Ingiriiska. Halyeyga United waxa uu qabaa in tababaraha Tottenham Hotspur Antonio Conte iyo kan Chelsea Thomas Tuchel ay ku habboon yihiin doorkaas.

“Anigu waxa aan doorbidayaa Conte ama Tuchel. Malaha waxay u egtahay in isaga [Tuchel] laga yaabo in la heli karo dhamaadka sanadka. Labadaas waa macalimiin heer sare ah”.

“Waxa ay cabsi ku abuuraan xiddigaha wayna guulaystaan waana arinta ugu muhiimsan, Man United ayaa noqon doonta koox fiican hadii ay helaan midkood labadaas tababare”ayuu sii raaciyay.

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/