https://www.premierbank.so/

MASHA ALLAH!! Mid Kamida Xiddigaha Ugu Waaweyn Arsenal Oo DIINTA ISLAAMKA Qaatay.

Waxa saaka soo baxaya warkii ugu fiicnaa ee la heli karayay subax hore oo Jimce ah oo waliba ku beegan maalinta khayrka badan ee 15-ka Shacbaan iyadoo la shaaciyay inuu diinta Alle SWT ee Islaamka qaatay mashiinka khadka dhexe ee Arsenal iyo xulka Ghana ee Thomas Partey.

Partey ayaa xilli ciyaareedkan muhiimad gaar ah u leh kooxdiisa Arsenal isaga oo gaar ahaan tan iyo bilawgii sanadkan 2022 qaab ciyaareedkiisa uu ku caawinayo kooxda tababare Mikel Arteta si weyn kor ugu qaaday.

Thomas ayaa haatan go’aanka uu ku qaatay diinta Islaamka lagu shaaciyay bogga Twitter-ka ee mid kamida machadyada Islaamka.

“Amaan waxa iska leh ilaahay oo soo hanuuniya cida uu doono, amaan oo dhan waxa iska leh allaha awooda leh. Xafiiskayaga ciyaartoyga kooxda British-ka ah ee Arsenal, Thomas Partey ayaa diinta Islaamka qaatay, ilaahay oo kaliya ayaa ku mahad leh, Allaha awooda leh waxaanu u weydiinaynaa inuu ka dhigo mid Islaamka ku adag” ayaa lagu yidhi qoraalka Twitter-ka ee lagu shaaciyay go’aanka Partey.

Jamaahiirta Arsenal ayaa ku kaftamay in sababta uu qaab ciyaareedka Partey dhawaanahan uu kor ugu kacay ay tahay xidhiidhka uu la sameeyay diinta Islaamka

 

 

https://www.premierbank.so/