https://www.premierbank.so/

Marco Verratti Oo Ka Mid Noqday Liiska Xiddigaha Ka Tegaya PSG, Kuna Sii Jeeda Horyaalka Premier League.

Kubbad-sameeyaha Talyaaniga ah ee Marco Verratti ayaa ka mid noqday liiska xiddigaha la sheegayo inay ka tegayaan Paris Saint-Germain, kaddib xilli ciyaareed ay si murugo leh kaga hadheen tartanka Champions League iyadoo kooxdoodu tahay naadiga ugu xiddigaha waaweyn dunida.

29 jirkan oo ka mid ah xiddigaha ugu waqtiga dheer PSG, ayaa la sheegay inuu doonayo inuu iskaga tago Parc des Princes oo uu inta ka  hadhay cimrigiisa ciyaareed uu ku qaato horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay kooxo waaweyni uga gacan haadinayaan

Inkasta oo ay dhaawacyo ragaadiyeen xilli ciyaareedkan 2021-22, haddana Marco Verratti ayaa awooday inuu 25 ciyaarood ood hamaan tartamada ah u safro kooxda reer France, waxaanu u dhaliyey laba gool iyo mid kale oo uu caawiye ka noqday.

Marco Verratti oo sannadkii 2012 ay PSG kasoo iibsatay kooxda Talyaaniga ee Pescara ayay laba sannadood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa, isaga oo u saftay 371 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, hase yeeshee waxa la filayaa in aanu dhamaysanin waqtiga ka hadhsan qandaraaskiisa.

Labada kooxood ee Talyaaniga ah ee AS Roma iyo Inter Milan ayaa doonaya inay helaan laacibkan oo ay dib ugu soo celiyaan waddankiisa, hase yeeshee waxa iyaduna doonaysa Manchester United oo la rumaysan yahay in uu Verratti danaynayo inuu u ciyaaro.

Red Devils ayaa la sheegay in ay Marco Verratti u aragto inuu yahay beddelka ugu habboon ee Paul Pogba oo bisha June ee sannadkan la filayo inuu ka tago Old Trafford marka uu dhamaado qandaraaskiisu.

Verratti ayaa bandhig fiican sameeyey 180 daqiiqadood oo uu ciyaaray labadii lugood ee Champions League ee wareegga 16ka ee ay Real Madrid ka reebtay tartanka Champions League

 

 

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/