https://www.premierbank.so/

Macallin Xavi Hernandez oo ka hadlay go’aanka Barcelona kaga aaddan soo laabashada Lionel Messi

Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa qiray inay albaabada kooxdiisa u furan yihiin Lionel Messi had iyo jeer xilli halyeyga reer Argentina uu si bilaash ah uga tagay Camp Nou xagaagii hore kaddib markii ay Barca awoodi weysey inay qandaraas cusub siiso isagoo sidaas ugu biiray naadiga Paris Saint-Germian oo uu qandaraas labo sano ah u saxiixay.

Xavi ayaa sheegay inay dib usoo dhoweynayaan Messi kooxduna ay tahay sida gurigiisa oo kale inkastoo Blaugrana aysan xagaagan lasoo saxiixan karin marka laga cabir qaato qandaraaska uu kula jiro kooxda PSG.

“Messi wuu kasbdaya xuquuqda ay albaabada Barcelona ugu furnaan doonaan, inta aan halkan aniga macallin ka ahayna waa uu imaan karaa xilli walba si uu maalin kasta u arko tababarka iyo inuu macallin ahaan iila hadli karo” ayuu hoggaamiyaha Barcelona u sheegay majaladda Mundo Deportivo.

“Waxa uu inoo qabtay ma jiraan qiimo lagu cabiro, waa ciyaaryahanka ugu wanaagsan taariikhda, waana uu u qalmaa inay kooxdan hoy u noqoto, balse haatan heshiis ayuu kula jiraa PSG, waxaan u maleynaa labo sano” ayuu Xavi hadalkiisa kusii daray.

Si kastaba ha ahaatee, 34-sano jirka weerarka ka ciyaara ayaa waqti adag ku qaadanaya garoonka Parc des Princess xilli ciyaareedkiisa koowaad, waxaana lasoo warinayaa inuu aabbihiis oo ah wakiilkiisa uu Barca la xiriiray si ay goor dhow ugu soo laabtaan Camp Nou.

https://www.premierbank.so/