https://www.premierbank.so/

Lacagta Waalida Ah Ee West Ham Ku Doonayso Iibka Rice, Juventus Oo Mohamed Salah U Gacan Haadinaysa & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Juventus ayaa diyaarinaysa lacag aad u badan oo ay doonaysa inay Mohamed Salah ku qanciso kagana soo qaadato Liverpool. (La Gazzetta dello Sport – in Italian)

Paulo Dybala ayaa iskaga tagi doona Juventus kaddib markii ay kooxdaasi diiday inay kordhiso heshiiskiisa. (Independent)

West Ham United ayaa lacag rekoodh ah oo 150 Milyan oo poun ah ku dalban doonta iibka Declan Rice xagaagan. (Mail)

Leeds United ayaa heshiis cusub u diyaarinaysa khadkeeda dhexe ee Kalvin Phillips si ay meesha uga saarto xiisaha West Ham iyo Aston Villa. (Times – subscription required)

Franck Kessie ayaa heshiis afar sano ah la gaadhay Barcelona waxaana uu ku biiri doonaa xagaaga marka uu qandaraaskiisa AC Milan dhaco. (Guardian)

Antonio Rudiger ayaa dalbanaya 25 Milyan oo pound inay abaalmarin u siiso kooxda uu ku biiri doonaa marka uu Chelsea ka tago xagaaga. (Express)

Tottenham ayaa heshiiska amaahda ah ee Dejan Kulusevski oo Juventus kaga yimid rasmi 30 Milyan oo euro kaga dhigi karta xagaaga. (Guardian)

Eden Hazard  ayaa ka cadhaysan oo ku dhex wareersan Real Madrid oo doonaysa inay xagaaga iska iibiso. (Goal)

Luka Jovic ayaan sidoo kale ku jirin qorshaha tababare Carlo Ancelotti oo isaguna Real Madrid ka tagi doona xagaaga. (Marca)

Waxa shaki ku jiraa mustaqbalka Lazio ee tababare Maurizio Sarri  kaddib markii ay guuldarro 3-0 ahi kasoo gaadhay AS Roma oo ay xifaaltamaan. (La Gazzetta dello Sport, via Football Italia)

Newcastle United ayaa kor u qaadaysa isku daygeeda saxeexa daafaca Bournemouth ee Lloyd Kelly oo ay 12 Milyan oo pound ku rabto. (Express)

Raphinha ayaa isku daygii koowaad ee heshiis kordhin ah ka diiday Leeds United. (UOL – in Portuguese)

Halyeeygii Man United ee Ruud van Nistelrooy ayaa ugu cad cad shaqada tababarenimo ee kooxda PSV Eindhoven. (Mirror)

Arsenal iyo Tottenham ayaa isha ku wada haya garabka kooxda Galatasaraay ee Muhammed Kerem Akturkoglu. (Aksam – in Turkish)

Neymar ayaa bishii in ka badan £600,000 mushaharka Messi ka qaata Paris St-Germain. (L’Equipe, via Star)

 

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/