ISBARBAR-DHIG: min lixda ciyaarood ee kusoo fool leh man City & liverpool Iyo midkooda imtixaanka adag sugayo.
Liverpool ayaa u dhowaan doonta Manchester City oo hal dhibic oo kaliya u jirsan doonta haddii ay ka badiso Arsenal habeenka Arbacada, waxaanay taasi si rasmi ah u furaysaa tartankii loogu jiray horyaalka Premier League oo noqon doona mid la isku dheggan yahay illaa dhamaadka.
Manchester City ayaa barbarro goolal la’aan ah xalay la gashay Crystal Palace, waxaana labada dhibcood ee ay lumisay ay fursad u noqonayaan Liverpool balse waa in ay ka faa’iidaystaan maadaama ay Arsenal oo si fiican iskula jaan-qaadday ugu tegayaan Emirates Stadium.
Pep Guardiola ayaa kaddib natiijadii xalay waxa uu qirtay in horyaalku furan yahay oo aanay jirin koox la odhan karayo way ugu cadcaddahay, iyaga iyo Liverpoolna ay isku fursad yihiin.
Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa min lixda ciyaarood ee horyaalka Premier League ah ee ugu soo horreeya labadan kooxood. Waxa kale oo aanu ku daraynaa Chelsea oo kaalinta saddexaad fadhida, adiga ayaananu akhriste kaaga tagnay in aad ka jawaabto su’aasha ah midkooda imtixaanka adag maraya.
Tababare Jurgen Klopp waxa uu hayaankiisu ka bilaabmayaa Arsenal oo Arbacada habeen dambe uu u tegi doono, waxaana ugu xigi doonta Watford oo ay ku qaabbili doonaan Anfield ka hor inta aanay u safrin Etihad Stadium oo ay kooxda ay horyaalka isku haystaan kusoo kala adkaan doonaan bisha dambe ee April. Waxa kale oo ay la ciyaari doontaa Aston Villa, Everton iyo Newcastle.
Kulamada Liverpool
Arsenal (A) – March 16
Watford (H) – April 2
Manchester City (A) – April 10
Aston Villa (A) – April 16
Everton (H) – April 23
Newcastle (A) – April 30
Manchester City waxay kulankeeda ugu horreeya horyaalka ciyaari doontaa bisha dambe ee April oo ay u tegi doonto Burnley ka hor inta aanay soo dhoweyn Liverpool. Waxay u bixi Wolves kaddibna Watford ayay soo dhoweyn doontaa. Leeds United iyo Newcaslte United ayaa ugu sii xigi doona
Kulamada Man City
Burnley (A) – April 2
Liverpool (H) – April 10
Wolves (A) – April 16
Watford (H) – April 23
Leeds United (A) – April 30
Newcastle United (H) – May 7
Kulamada lixda ah ee kusoo aaddan Chelsea
Newcastle United (H) – March 13
Brentford (H) – April 2
Southampton (A) – April 9
Leeds United (A) – April 16
West Ham United (H) – April 23
Everton (H) – April 30