https://www.premierbank.so/

HORDHAC: Nottingham v Liverpool – Rajada Afarta Koob Ee Reds Oo Kooxdii Leicester Iyo Arsenal Reebtay Imtaxaamayso, Shaxda Macquulka Ah & Xogta Kulanka

 

Liverpool ayaa rajaynaysa inay sii noolayso hammigeeda afarta koob ee xilli ciyaareedkan marka ay booqanayaan Nottingham Forest kulan ka tirsan wareega siddeed dhammaadka FA Cup.

Reds ayaa durba xilli ciyaareedkan kusoo guuleystay Carabao Cup, horyaalka ayaa hal dhibic lagaga hayaa halka ay wareegyada siddeeda ka joogaan FA Cup iyo Champions League.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa tijaabo kusoo mari doonta dhigeeda Nottingham Forest oo ahayd kooxdii Arsenal iyo Leicester City labadaba ka cidhib tirtay tartankan.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor 

Nottingham Forest ayay haleeshay dhibaato dhaawac oo weyni waxaana dhaawac muruqa ah ku maqnaan doona daafaca muhiimka u ah ee Scott McKenna waxaana uu liiska maqnaanshaha kula biirayaa daafacyada Steve Cook iyo Max Lowe si lamid ah weeraryahanka furaha u ah kooxdaas ee Lewis Grabban.

Maqnaanshaha McKenna ayaa dhib weyn ku ah tababare Steve Cooper kaas oo daafaca dhexe kusoo bilaabi kara xiddigiisa khadka dhexe ee Ryan Yates.

Sidoo kale Liverpool ayaa war ay ka naxdo heshay kaddib dhaawac muruqa ah oo gaadhay daafaca midig ee Trent Alexander Arnold balse James Milner ayaa usoo laabtay Reds ciyaartana ka qayb qaadan kara.

Kostas Tsimikas oo xanuun ku maqnaa kulankii Arsenal ayaan la hubin haddii uu diyaar u yahay ciyaartan.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood 

Nottingham Forest (3-4-1-2): Horvath; Worrall, Figueiredo, Yates; Spence, Garner, Cafu, Colback; Zinckernagel; Davis, Johnson

Liverpool (4-3-3): Alisson; Gomez, Konate, van Dijk, Robertson; Jones, Henderson, Keita; Minamino, Firmino, Diaz

Xogta Kulanka

Tartanka: FA Cup

Garoonka: City Ground

Wakhtiga: 9:00 habeenimo xilliga geeska Africa

https://www.premierbank.so/