https://www.premierbank.so/

HORDHAC: Juventus v Villarreal – Allegri Iyo Emery Oo Kala Baxaya, Shaxda Macquulka Ah & Xogta Kulanka.

Juventus ayaa doonaysa inay ka faa’idaysato ku ciyaarista garoonkeeda Allianz Stadium si ay u gaadho wareega siddeeda Champions League kulanka ay caawa soo dhawaynayso Villarreal oo ay lugtii hore bar-bardhac 1-1 ah soo galeen.

Walow isku aadku markii uu dhacay Juve loo arkayay kooxda ugu cad cad kulankan haddana Villarreal ayaa ahayd kooxda fiican kulankii hore iyadoo kooxda tababare Massimiliano Allegri nasiib ku lahayd inay bar-bardhac kala timaado ciyaartaas.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Federico Chiesa, Kaio Jorge, McKennie, Leonardo Bonucci iyo Denis Zakaria ayaa dhammaantood dhaawacyo ku maqan.

Allegri ayaa soo dhaweeyay xiddigaha kala ah Mattia De Sciglio iyo Alex Sandro oo dhaawacyo uga soo laabtay kulankii Sampdoria ee toddobaadkan walow uu Sandro markale haleelay dhaawac kubka ahi.

Bianconeri ayay sidoo kale usoo laabteen Giorgio Cheillini, Paulo Dybala iyo Federico Bernardeschi walow aan la hubin haddiiba ay shaxda Allegri toos ugu soo bilaaban doonaan.

Dhinaca kale tababare Unai Emery ayay u yaalaan go’aano ay tahay inuu gaadho, Alberto Moreno ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee Villarreal ah ee dhaawac halis ahi gaadho.

Villarreal ayaa dhawaan dib usoo dhawaysay Francis Coquelin halka sidoo kale ay ku dhaw yihiin inay dib u helaan weeraryahan Gerard Moreno.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Juventus (4-4-2): Szczesny; Danilo, Rugani, De Ligt, Pellegrini; Cuadrado, Locatelli, Arthur, Rabiot; Vlahovic, Morata

Villarreal (4-2-3-1): Rulli; Aurier, Mandi, Torres, Pedraza; Coquelin, Parejo; Chukwueze, Lo Celso, Pino; Danjuma

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Allianz Stadium

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Szymon Marciniak (Poland)

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/