https://www.premierbank.so/

GO’AAN: Romelu Lukaku Oo Go’aankii La Sugayay Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Chelsea & Thomas Tuchel Oo Xog Helay

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Romelu Lukaku ayay warbixino cusubi sheegayaan inuu go’aamiyay mustaqbalkiisa kooxdaas oo uu keyd joogto ah ka noqday bilihii ugu dambeeyay oo dhan walow uu lacag rekoodh ah ugu soo biiray xagaagii sanadkii hore.

28 sano jirka ree Belgium ayaa qiimo 115 Milyan oo euro ah ugu soo laabtay Chelsea suuqii 2021 isaga oo noqday xiddiga ugu qiimaha badan taariikhda kooxdaas.

Il-wareedka Football Insider ayaa sheegaya in Lukaku uusan ku faraxsanayn in tababare Thomas Tuchel uu keydka u dhaadhiciyay dhawaanahan isla markaana uu doonayo inuu iskaga tago Stamford Bridge.

Lukaku ayaa xaalad adag soo maray tan iyo markii uu Chelsea kusoo laabtay isaga oo kusoo dhibtooday garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba.

Kaddib markii uu qaab fiican ku bilawday xilli ciyaareedka, qaab ciyaareedka Rom ayaa hoos u dhac ku yimid waxaana waxkasta qaribay waraysi uu ku eedeeyay Thomas Tuchel bishii December guud ahaana uu si aan la jeclaysan ugaga hadlay Blues.

Sidoo kale Lukaku ayaa waraysigaas ku sheegay sida uu u doonayo inuu Inter Milan ku laabto isaga oo sidoo kale raali-geliyay taageerayaashooda walow uu kaliya afar bilood kasoo maqnaa.

Tuchel ayaa la sheegayaa inuu qalad u arko qaabka uu iskaga hadlay Romelu iyo waliba in taam ahaanshahiisa jidh ahaaneed uusan ahayn mid jooga heerkii uu ka rajaynayay.

Heshiiska uu dhaliyihii hore ee Manchester United ku joogo Bridge ayaa ah mid dhacaya xagaaga 2026 balse waxa uu doonayaa inuu soo gaabiyo.

 

https://www.premierbank.so/