https://www.premierbank.so/

DEG-DEG: UEFA Oo Go’aan Ka Soo Saartay Kulanka Chelsea Ee Champions League Kadib Cunaqabateynta Midawga Yurub Ee Roman Abramovich.

UEFA ayaa ku adkaysatay in kulanka Chelsea ay la ciyaarayso Lille uu dhici doono inkasta oo cabsi laga qabo in cunaqabatayn midawga yurub ku soo rogay milkiilaha kooxda ee Roman Abramovich kooxda ka hor istaagi karo in ay ciyaarto kulanka.

Milkiilaha Blues Roman Abramovich ayaa lagu soo rogay cunaqabateyn ka dib xiriirkii uu la sameeyay Vladimir Putin usbuucii hore, waxana la xayiray hantidiisa oo ay ku jirto chelsea.

Chelsea ayaa England laga siiyay Liisan u ogolaanaya in ay qaban karto qaybo ka mid ah shaqadeeda sida ciyaarista kulamada kooxda si kasta ha ahaatee Midawga yurub ayaa Milkiilaha chelsea dusha ka saaray cunaqabatayn kale.

Wargayska L’Equipe ayaa sheegay in kulanka lugta 2-aad ee chelsea uu halis ku jiro in la ciyaaro sabab la xidhiidha cunaqabateynta dusha laga saaray Milkiilaha kooxda.

Laakiin sida laga soo xigtay wargayska RMC Sport, UEFA ayaa sheegtay in ay chelsea ciyaari doonto kulanka maadama ciyaarista kubada cagta ayna la xidhiidhin cunaqabateynta dusha laga saaray milkiilaha kooxda.

 

 

 

https://www.premierbank.so/