https://www.premierbank.so/

DEG-DEG: Isku-aadka Wareegyada 8da iyo Semi-finalka Europa League Oo Lasoo Saaray.

 

Isku-aadka wareegga siddeedda tartanka Europa League ayaa la sameeyey, waxaana kala badbaaday kooxihii waaweynaa ee loo saadaalinayay inay tartanka ku guuleysan doonaan.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ee loo saadaalinayo inay ku guuleysanayso tartanka ayaa ku beegantay kooxda reer Germany ee Eintracht Frankfurt, waana ciyaar dib usoo xasuusinaysa jamaahiirta Barcelona fadeexaddii kooxdoodu ay kala kulantay kooxda kale ee Jarmalka ah ee Bayern Munich xilli ciyaareedkan oo wareeggii koowaad ee Champions League labada jeerba ku garaacday wareegga koowaad ee group-yada.

West Ham United oo soo reebtay Sevilla ayaa waxay la ciyaari doontaa kooxda Faransiiska ah ee Olympique Lyon oo ay laba lugood ku kala bixi doonaan, halka RB Leipzig oo ka mid ah kooxaha ugu cadcad ee tartanka kusoo hadhay ay isku beegmeen Atalanta oo kasoo dhacday dhacday sallaanka Champions League.

Isku-aadka wareegga siddeedda Europa League

West Ham vs Olympique Lyonnnais

RB Leipzig vs Atalanta

Eintracht Frankfurt vs FC Barcelona

Sporting Braga vs Rangers

Waxa kale oo la sameeyey isku-aadka wareegga semi-finalka ama laba-dhamaadka tartankan, si kooxaha afarta ah ee kasoo gudba wareegga siddeeddu ay usii ogaadaan naadiyada ay la ciyaari doonaan.

Semi-finalka ayay kulamada ugu adag dhici doonaan, waxaana finalka laga doonayaa inay midkood timaaddo kooxaha Barcelona, West Ham, Lyon iyo Eintracht Frankfurt.

Afartan oo ay wareegga siddeedda lababa gaar iskugu dhaceen, ayaa labada soo gudbaa ay semi-finalka iskugu iman doonaan.

Isku-aadka wareegga semi-finalka

West Ham/Olympique Lyonnais  vs Eintracht Frankfurt/FC Barcelona.

Leipzig/Atalanta vs Sporting Braga/Rangers

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/