https://www.premierbank.so/

HORDHAC: Galatasaraay v Barcelona – Xavi Oo Imtaxaan Adag Turkey Ku Maraya, Shaxaha Macquulka Ah & Xogta Kulanka.

Barcelona ayaa doonaysa inay xaqiiqsato booskeeda wareega siddeed dhammaadka UEFA Europa League walow ay tartan adag kooxda Galatasaraay kula soo geli doonaan dalka Turkey-ga.

Labada kooxood ayaa lugtii hore ee kulankan bar-bardhac goolal la’aan ah kusoo galay Camp Nou, inay Barcelona ka hadho tartankan ayaa dhirbaaxo weyn ku noqon doonta Xavi Hernandez oo uu u yahay koobka kaliya ee uu doonayo inuu ku guuleeyo kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Tababare Domenec Torrent ayaan qabin wax dhaawacyo ah oo cusub, xiddigii hore ee Barcelona ee Arda Turan ayaa ku maqnaan doona dhaawac mudo dheer ah. Sidoo kale Kaan Arslan, Halil Dervisoglu, Ismail Cipe, Baris Yilmaz iyo Alpaslan Ozturk ayay u badantahay inay iyaguna maqaan doonaan.

Dhinaca Barcelona, iyadoo Dani Alves uusan tartankan uga diiwaan gashanayn ayuu Sergino Dest booskaas kusoo bilaaban doonaan halka Gerard Pique loo nasin karo kulanka El-Clasico ee Axada.

Eric Garcia iyo Ronald Araujo ayaa loo badinayaa inay daafaca dhexe ku midoobaan halka Ousmane Dembele, Ferran Torres iyo Aubameyang ay markale saddexleyda weerar noqon karaan.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Galatasaraay (4-2-3-1): Pena; Boey, Marcao, Nelsson, van Aanholt; Antalyali, Kutlu; Kilinc, Feghouli, Akturkoglu; Mohamed

Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Dest, Araujo, Garcia, Alba; Frenkie de Jong, Busquets, Gavi; Dembele, Aubameyang, Torres

Xogta Kulanka

Tartanka: Europa League

Wakhtiga: 8: 45 daqiiqo wakhtiga geeska Africa

Garoonka: NEF Stadyumu

 

Garsoore: Daniel Orsato

 

 

https://www.premierbank.so/