https://www.premierbank.so/

Chelsea Oo Iska Xaadirisay Wareegga Siddeedda Iyo Villarreal Oo Xasuuq iyo Ceeb Iskugu Dartay Juventus.

 

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa iska xaadirisay wareegga siddeedda tartanka Champions League iyadoo wareeggii 16ka ay labadii ciyaaroodba ku garaaceen kooxda reer France ee Lille.

Laba gool oo ay labadii qaybood kala dhaliyeen Christian Pulisici iyo Cesar Azpilicueta ayaa Chelsea siiyey guul ay ksoo gaadhay Lille oo gool rikoodhe ahaa kala hormartay qaybtii hore uu ciyaarta ku furay Burak Yilmaz.

Ciyaartii hore ee ka dhacday Stamford Bridge badhtamaha bishii hore ayay kooxda difaacanaysa horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League ay kusoo adkaatay laba gool oo jawaab la’aan ahaa, waxaanay isku-darka labada ciyaarood ay Blues kusoo gudubtay 4-1.

Lille oo dardar ku bilaabatay ciyaarta ayaa garoonkeeda Stade Pierre-Mauroy ku dhibtay daqiiqadihii ugu horreeyey oo ay dhawr jeer kubadda ula tageen goolhaye Edouard Mendy, balse waxa ka xumaa dhamaystirka.

Laad xor ah oo halis badnaa ayay Lille ku toogatay goolka Chelsea daqiiqadihii ugu horreeyey, waanay iska lumiyeen, ka hor intii aanu Mendy dhawr jeer kubbado koorneyaal ahaa dhexda u istaagin.

Daqiiqaddii 36aad ayaa Lille loo dhigay rikoodhe markii ay kubaddu gacanta kaga dhacday Jorginho, waxaana gool u beddelay Yilmaz.

Saddex daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray qaybta hore ayay Chelsea keensatay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Christian Pulisic, waxaana halkaas kaga baxday baqdintii ahayd in gool labaad laga dhaliyo oo ay ciyaartu barbarro noqoto.

Thomas Tuchel ayaaa beddel degdeg ah sameeyey bilowga qaybta labaad, waxaanu keenay Mason Mount isaga oo saaray Mateo Kovacic, waxaanu kubbad sameeyaha reer England noqday furaha guusha kooxdiisa.

Khadka dhexe ayay Blues si adag gacanta ugu qabatay, waxaanay awood u yeesheen in ay kubbado badan si fudud ku geeyaan goolka Lille, waxaana kubbad uu farsameeyey daqiiqaddii 71aad gool u beddelay Azpilicueta.

Dhamaadkii ciyaarta ayay Chelsea laba jeer fursado caddaan ah heshay, waxaase la dagaallamay goolhaye Jardim, ka hor intii aan Romelu Lukaku lagu ridin laynka xerada ganaaxa taas oo uu goolka ku toogtay Marcus Alonso oo goolka la seegay.

 

Dhinaca kale, kooxda kubadda cagta Juventus ayay fadeexad weyni soo gaadhay, waxaana garoonkeeda Allianz Stadium ku xasuuqday Villarreal oo ku garaacday 3-0 lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League, iyadoo isku-darka labada lugood ay Villarreal kusoo baxday 4-1

Saddex gool oo 12kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ay Villarreal dhalisay ayaa Juventus ku noqday waji-gabax iyo inay tartanka Champions League kaga hadhay wareegga 16ka sannadkii labaad oo xidhiidh ah.

Gerard Moreno ayaa daqiiqaddii 78aad hoggaanka u dhiibay Villarreal isaga oo shabaqa ku hubsaday rikoodhe loo dhigay kooxdiisa, halkaas ayaanay ka  bilaabantay musiibada ku habsatay Juventus.

Difaaca xulka Spain ee Pau Torres ayaa lugta geliyey oo goolka ku qabtay kubbad koorne ahayd balse uu madax soo raaciyey Serge Aurier, intaasna kuma aanay ekaanin e waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayay Villarreal keensatay goolka saddexaad oo uu saxeexay Arnaut Danjuma.

Villarreal iyo Chelsea ayaa dhamaystiray siddeedda kooxood ee usoo gudbay wareegga siddeedda tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan.

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/