https://www.premierbank.so/

Barcelona Oo Xasuuq Iyo Bahdilaad Iskugu Dartay Real Madrid, Labadii Guul-darro Ee Xilli-ciyaareedka Oo Ay Hal Mar Ka Wada Jareen & Xavi Oo Si Dhab Ah Usoo Nooleeyey Barca.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xasuuq iyo bahdilaad iskugu dartay Real Madrid oo ay ku booqatay garoonkeeda magaalada Madrid ee Santiago Madrid, halkaas oo ay Barca sida ay doonto ugu dheeshay, isla markaana guul-darradii ugu weynayd ee muddooyinkan soo gaadha ugu xambaarisay Real Madrid.

Xavi Hernandez ayaa muujiyey inuu si dhab ah usoo nooleeyey Barcelona oo ay kooxdiisu ku tartami doonto horyaallada oo dhan xilli ciyaareedka dambe, kaddib ciyaar heersare ahayd iyo dersin goolal ah oo ay isku raaciyeen kooxda horyaalka difaacanaysa ee Real Madrid.

Laba gool oo uu dhaliyey Pierre-Emerick Aubameyang oo ay u ahayd ciyaartiisii koowaad ee El Clasico iyo laba ay ku dareen Ferran Torres iyo Araujo ayaa Barcelona siiyey guul 4-0 ah, halka Real Madrid ay isweyday oo ay da’du kusoo baxday Luka Modric iyo Toni Kroos.

Karim Benzema oo ku maqnaa dhaawac ayaa si weyn ay u tabtay Real Madrid oo guul-darradii ugu weynayd ee intii ay garoonka cusub dhisatay loogu xambaariyey qalcaddeeda boqollaalka milyan ee Euro kaga baxeen.

Daqiiqaddii 29aad ayaa kubbad uu Ousmane Dembele orod ugu soo awood sheegtay Nacho Fernandez waxa uu lugta madax kaga soo jabiyey dhinaca midig, waxaana madax ku qabtay Aubameyang oo uu goolkiisani ahaa midkii lixaad ee horyaalka LaLiga uu ka dhaliyey tan iyo bishii January oo ahayd waqtigii uu sida xorta ah ugaga soo wareegay Arsenal.

Federico Valverde ayaa kubbad halis ahayd uu goolhaye Ter Stegen ka badbaadiyey ka hor intii aanay goolashu dhalan, halka Aubameyang uu ugu jawaabay kubbad uu goolka hortiisa ka helay oo uu goolhaye Thibaut Courtois labada gacmood la haleelay, iskana badbaadiyey.

Real Madrid ayaa ku doodday rikoodhe markii uu Vinicius Junior kubbad ugu dhiibay Valverde xerada ganaaxa, laakiin uu Ter Stegen u muuqday inuu da’yarka Brazil riday, hase yeeshee garsooraha ayaan wax jawaab ah siinin oo u sheegay inay ciyaartu socoto, waxaana go’aankaas ku waafaqday VAR.

Kubaddii ay Barcelona weerarka geystay ayaa u baxday koorne, waxaana dhinaca midig kasoo qaaday Ousmane Dembele oo madax u saaray Ronald Araujo oo ka dul-booday David Alaba, waxaanu dhinaca bidix ka dhigay goolhaye Courtois, sidaas ayaanay waqti horeba ciyaartu ku noqotay 2-0.

Real Madrid ayaa si buuxda u xaqiiqsatay in laga badiyey markii goolka labaad laga dhaliyey, waxaana ka luntay kubaddii ay dhisi lahayd iyo hal-abuurka, halka Carlo Ancelotti uu ku xiiqay tilmaanta ciyaartoydiisa uu garoonku ku weynaaday

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/