https://www.premierbank.so/

AKHRISO Waxkasta Oo Aad Uga Baahan Tahay Isku Aadka Wareegyada Siddeeda Iy Afar Dhammaadka Champions League Ee Maanta.

 

Toddobaadkan ayaa laga soo dhammaaday wareega 16-ka ee UEFA Champions League iyadoo maanta la samayn doono isku aadkii ugu dambeeyay ee tartankaas xilli ciyaareedkan la isna raacin doono wareegyada siddeeda iyo afar dhammaadka.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo bandhigaynaa faahfaahinta dhammaan su’aalaha macquulka ah ee la iska weydiin karo isku aadkaas.

Goorma Ayuu Dhacayaa Isku Aadku Halkee Ayuuse Ka Dhacayaa?

Isku aadka wareegyada siddeeda iyo afar dhammaadka Champions League ayaa qabsoomaya maanta oo ah Jimce 18-ka bisha March waxaana la bilaabi doonaa saacadu marka ay tahay 2-da duhurnimo xilliga geeska Africa. Waxa uu ka qabsoomi doonaa magaalada Nyom ee dalka Switzerland.

Waa Kuwee Siddeeda Kooxood Ee Iskugu Soo Hadhay Tartanka Ilaa Haatan?

Atletico Madrid (ESP), Bayern Munich (GER), Villarreal (ESP), Chelsea (ENG), Liverpool (ENG), Man City (ENG), Real Madrid (ESP), Benfica (POR).

Qaabkee La Iskugu Beegayaa Kooxaha?

Isku beeg-beega ayaa marba haddii lasoo gaadhay wareegan ah mid gabi ahaanba furan iyadoo dhammaan kooxuhu is-arki karaan, kooxda lasoo hor qaado magaceeda ayaa lagu horreyn doonaa garoonkeeda.

Waa Kuma Martida Khaaska Ah Ee Ku Casuuman Isku Aadkan?

Daafacii hore ee kooxda Manchester United ee Mikael Silvestre ayaa ah shaqsiga lagu casuumay isku aadka tartanka inuu sameeyo markan.

Goorma Ayay Qabsoomayaan Kulamada Siddeeda, Afar Dhammaadka Iyo Finalku?

Siddeed dhammaadka:

Lugta hore: 5/6 April

Lugta dambe: 12/13 April

Afar Dhammaadka:

Lugta hore: 26/27 April

Lugta Dambe: 3/4 May

Final-ka:

Sabti, 28-ka May (Stade de France, Paris)

 

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/