https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump Ayaa Sheegay In Uu Isticmaalay Daawada Loo Yaqaano Hydroxychloroquine- Haydaro Kolorokuwiin

Madaxwayne Trump Oo Wariyayaasha Kula Hadlayay Aqalka Cad Ee Looga Arrimiyo Mareykanka Ayaa Sheegay In Uu Bilaabay Dhawaan Isticmaalka Daawada Malaariyada Iyo Daawo Kale Oo Xoojisa Difaaca Jidhka Qofka.

 

“Waxaan Qaadanayay Muddo Hal Toddobaad Iyo Badh Ah Hadda Waan Joogaa, Wali Halkaan Ayaan Joogaa,” Ayuu Yidhi.

 

Ma Jiraan Caddeymo Muujinaya In Dawadaan Lagu Magacaabo (Hydroxychloroquine) Haydaro Kolorokuwiintu Ay La Dagaalami Karto Fayraska Karona In Kastoo Tijaabo Caafimaad Lagu Wado.

 

Mar La Waydiiyay Isniintii Madaxweyne Trumo,Faaiidada Dawadaan Ayuu Ku Jawaabay: ” Waa Tan Caddeynteeda Oo Ah Waxaan Ka Helay Wax Tar Badan.”

Madaxweynaha Oo Si Is Daba Joog Ah Uga Hadlayay Daawadaan Maalmihii La Soo Dhaafay Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Shaqaalaha Caafimaadka Ay Isticmaalaan .

Waxaanu Sheegay In Ay Dawadani Isticmaalaan Dad Badannoo Uu Tilmaamay Madaxwayne Donald Trump Inay Yihiin Khubaro Dhanka Caafimaadka Ah.

Xaruunta Xakameynta Cudurada Ee Magaceeda Loo Soo Gaabiyo CDC, Ayaa Sheegtay In Aaney Jirin Daawo La Oggolaady Oo Loo Isticmaali Karo Fayrska Karona Ama Dawo Looga  Hortago Cudurka Covid-19.

Maamulka Cuntada Iyo Dawooyinka Ee Mareykanka (FDA) Ayaa Bishii Lasoo Dhaafay Soo Saaray Talo Ah In Dawada Hydroxychloroquine -Ka”Aan Loo Arkin Inay Tahay Mid Amaan Ah Oo Wax Ku Ool Ah”.

Waxay Soo Xigateen Warbixinno Sheegaya In Dawadu Ay Ku Sababi Karto Bukaanada Cudurka Karona Dhibaatooyin Dhanka Wadnaha Ah Oo Aad U Daran .

Mr Trump oo Warbaainta Wax Ka Waydiisay Sababta Keentay inu Dawadani isticmaalo inu ku dhacay Xanuunka Corona Vires iyo In Kale ayuu Shegay inuu Caafimaad Qabo isla markaana aanu Ku Dhicin Xanuunku Balse uu u Istcimaalo oo Kaliya Ka Hortaga Cudurka Covid 19.

Dalka Maraykanka ayuu Cudurkani ku Dhacay Dad Gaadhaya Milyan iyo Shan Boqol oo Qof Halka  Ku Dhinteen Tiro Kor u Dhaafaysa Sagaashan Kun oo Qof.

https://www.premierbank.so/